Xannibaadaha ay dowladdu fuliso ee dhaqdhaqaaqa iyo amar-ku-haynta guriga ee dalal kala duwan kajira sabatood, ayaa ka qaadashada lacagta iyo adeegyada xawaaladaha qofka ayaa noqda mid adag. Adeegsiga adeegga xawilaadda lacagta ee internetka ama sida moobiilka loo yaqaan "TalkRemit" waa habka ugu fiican ee lacag looga diri karo kuwa u baahan iyada oo aan laga tegeyn guriga. 
Fiiri faahfaahinta iyo talobixinta ku saabsan wadamada shaqsiyadeed iyo xaaladooda hada inta lagu guda jiro faafitaanka koronavirus-ka bogga websaydhka Ururka Caafimaadka Adduunka. Sidaa darteed, habka ugu wanaagsan uguna haboon ee lagu xawili karo lacagaha dibedda hadda waa in loo diro lacagta akoonno bangi ama boorsada moobiilka gacanta, halka ay suurtagal tahay. Hubi ikhtiyaarrada lacag-bixinta ee laga heli karo waddanka aad u diraysid lacagta marka aad kadireysid akoonkaaga TalkRemit.
Haddii ay tahay inaad lacag u dirto meelaha lacagaha laga qaato, waxaan kugula talineynaa inaad ka hubiso qaatahaaga wixii ku saabsan xaddidaadaha hadda ka jira waddankooda iyo haddii goobta lacagaha laga qaato ee deegaankoodu wali shaqeynayo.
Si kastaba ha noqotee, qaar badan oo ka mid ah macaamiisheena ayaa adeegsada TalkRemit si ay lacag ugu diraan meelaha dibadda lacagaha laga qaato. Waqtigaan welwelka badan, waxaad lahaan kartaa walaac kusaabsan qaatayaashaada dibada jooga iyo amaankooda markii eey tagayaan goobta laga qaato lacagaha aad udirtid ayaga. Ama tani kaliya uma suurtoobi karto iyaga, waxay kuxirantahay jawaabta dowladooda iyo xaddididooda.