Waqtigan xaadirka ah, adeeggayaga xawilaadda internetka wuxuu u shaqeeyaa sidii caadiga ahayd inta lagu jiray xiisadda adduunka iyo, ilaa iyo hadda, wax dhibaato ah kama soo gaarin inaan lacagtaada u gudbino kuwa aad jeceshahay ee jooga dibedda. 

Xubnaha kooxdeena dhamaantood waxay hada ka shaqeeyaan guriga. Nasiib wanaagse, ka shaqeynta fog waa wax had iyo jeer qeyb ka ahaa dhaqanka TalkRemit, markaa wax nagu cusub maahan. Taas micnaheedu waa inaan si wanaagsan oogu meelaynay inaanu adeegyada sii wadno sidii caadiga ahayd oo aan uga taageerno xubnaheena macaamiisheena baahiyaha xawaaladeed. 

Kooxda oo dhami waxay ku dadaalayaan inay wax ka qabtaan cudurkaan, sidaa darteed waxaan ula jaan qaadi karnaa isbadalada socda waxaanan sii wadaynaa taageerida macaamiisheenna oo aan wax ka qabannaa arrimaha aad wajahayso waqtigaan.