Inta lagu jiro aafaadkan adduunka (Covid-19) waxaan rabnaa inaan ku ogeysiino inaan la shaqeyneyno la-hawlgalayaashayada wax kasta oo aan awoodno si aan kuugusii wadno inaad lacagaha u dirsato ehelkaaga aad jeceshahay dibedda inta lagu jiro xilligan welwelka leh.


Haddii aad ka walwalayso qaatayaashu inay ka baxaan guryahooda si ay lacagaha ugasoo qaataan meelaha lacagaha laga qaado, waxaan soo jeedineynaa (meeshii ay suurtagal tahay) inaad lacagta ugu wareejiso koontada bangiga ama boorsada moobiilka gacanta. Fiiri koontadaada 'TalkRemit' si aad u aragto ikhtiyaaraadka lacag-bixinta ee laga heli karo waddanka aad rabto inaad lacag ugu dirto.


Sida iska cad, xayiraadaha dowladda iyo wax ka qabashada masiibada ka dhacday dalal kala duwan marwalba way isbadalayaan, markaa xaaladdu waa sii socon doontaa. Waqtigaan la joogo, adeegyadeena ayaa u shaqeynaya sidii caadiga ahayd, laakiin waxaan si joogto ah u cusbooneysiin doonaa boggan, sida ugu dhaqsaha badan wixii wax iska beddelaan.


Haddii aad dhib ku qabtid isticmaalka adeegyadeena inta lagu jiro waqtigan, fadlan ha ka labalabeyn inaad nala soo xiriirto si aan kaaga caawino baahiyadaada gudbinta.