1. Sideen uga dacwoodaa adeegyada TalkRemit?

Si aad cabasho u gudbiso, fadlan iimayl u soo dir compliants@talkremit.com. Ku dar macluumaadka soo socda si ay nooga caawiyaan inaan dib u eegno cabashadaada:

  • Magacaaga oo buuxa
  • Taariikhda dhalashadaada
  • Ciwaanka iimaylka ee la xidhiidha koontadaada TalkRemit
  • Lambar tixraac wax kala iibsiga
  • Sharaxaada cabashadaada


2. Maxaa dhacaya ka dib markaan xareeyo cabasho?

Marka aan helno cabashadaada, waxaanu:

  • Ku soo dirayna iimayl si aad u xaqiijiso rasiidka, badanaa saddex maalmood oo shaqo gudahood.
  • Dib u eegna warbixintaada oo bilawno baaritaan. Waxaa laga yaabaa inaan u baahano inaan ku weydiino macluumaad dheeri ah haddii fahfaahinta ay maqan yihiin waxaana kugu soo xiriiri doonaa telefoon ama iimayl.
  • Ujeedo inaan ku xallino cabashooyinka saddex maalmood oo shaqo gudahood, laakiin cabashooyinka qaarkood waxay qaadan karaan ilaa 15 maalmood oo shaqo. Xaalado naadir ah, waxaa laga yaabaa inaan u baahanno waqti dheeri ah baaritaanka, waana ku soo sheegi doonaa haddii ay taasi dhacdo.
  • Waxaan kuu soo dirayna natiijada kama dambaysta ah ee cabashadaada, annagoo faahfaahinaya ficiladayada iyo tillaabooyin dheeri ah haddii aadan ku qanacsanayn natiijada.


3. Maxaa dhacaya haddii akoonkayga la xiray?


Haddii akoonkaaga la xiray, waxaad racfaan ka qaadan kartaa go'aanka. Ogow sida racfaan loo qaato


4. Ka waran haddii akoonkayga la xiray markan isku dayo galitaanka oo badan awgeed?


Haddii akoonkaaga la xiray sababo la xiriira isku dayo galmo oo badan, fadlan la xiriir tageeraha macaamisha adigoo ku dhufanaya halkan


5. Sideen degdeg ugu xalin karaa arrinkayga?


Sida ugu dhaqsaha badan ee lagu xalin karo arrintaada waa iyada oo loo maraayo Taageerada Macaamiishayada, oo la heli karo 24/7. Waxa laga yaabaa inay si toos ah kuu caawiyaan oo ay u xaliyaan dhibaatada. Waxaad kala xariidhi karta tageeraha macamiisha adigo ku dhufanaya halkan.


6. Maxaa dhacaya haddii aanan ku faraxsanayn jawaabta cabashadayda?


Haddii aadan ku qanacsanayn jawaabta kama dambaysta ah iyo natiijada cabashadaada, waxaad u gudbin kartaa cabashadaada hay'adda muranka ku habboon ee gobolkaaga:


7. Halkeen ka akhrin karaa wax badan oo ku saabsan wakhtiyada maaraynta cabashooyinka?


Waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan waqtiyada wax ka qabashada cabashooyinka annagaShuruudaha