1) Ka gal aappka adoo adeegsanaya cinwaanka emaylka aad isku diiwaan galisay TalkRemit iyo lambarka sirta ah ee aad sameeysatay xiliga is diiwaan galinta.


2) Markaad gasho aappka, waxaad arki doontaa liiska astaamaha hoosta shaashaddaada (Xiriiro, Usheegida, Dirid, Caawimo iyo Akoonitga).


3) Taabo 'Remit' (Dirid) qeybta hoose ee shaashaddaada si aad u biloowda diritaanka lacagta.


4) Taabo calanka hoose si aad u doorato dalka uu joogo qaataha lacagta. Kadib qor lacagta aad direyso inta eey la egtahay.


5) Marka aad lacagta galiso, waxaad arki doonta inta uu qaataha lacagta helayo sarif ahaan ama lacagta dalkiisa laga isticmaalo. Kadib dooro habka uu lacagta u helaayo, hadii eey tahay kaash ama moobiilka loogu shubaayo ama akoontiga bangiga loogu shubaayo.


6) Dhagsii batoonka 'dir' ee gunta hoose marka aad dooratay habka lacag bixinta.


7) Markaa kadib waxaa lagaa codsan doonaa inaad kudarto macluumaadka qaataha. Fadlan hubi inaad laba jeer hubiso macluumaadka qaataha ka hor intaadan gaarin qeybta lacaga bixinta. Taabo batoonka dirista marka aad dhamayso ku darista faahfaahinta qaataha.


8) Marxaladda ugu dambeysa waa qeybta lacag bixinta. Waxaad xulaneysaa habka aad lacagtan aad direyso aad u bixin lehyd. Waxaad heli doontaa xulashooyinka kala ah Boorsadda Hawada, Kaarka iyo Bangiga. Dooro midka aad kubixineyso kadib taabo ?Bixi?.